26th May 2016

Qancinta Macaamiisha waa Shaqadeena.

Shirkadda Redsea General trading waxay caan ku tahay soo dhoweynta iyo qancinta macaamiisha. Waxaa shirkadda ka go’an in ay marwalba ka hormariso danaheeda danaha macaamiisha waayo waxaan aamin sanahay in macmiilku yahay waxa ugu muhiimsan ee shirkadda howsheeda tahay.

Shirkadda Redsea ee qalabka dhismaha iyo guryaha oo kala duwan waxay tan iyo markii la asaasay xooga saareysay sidii ay ugu adeegi lahayd macaamiisha, u qancin lahayd, alaab tayo leh uga iibin lahayd, marwalba macmiilka uga dhigi lahayd qof muhiim ah oo sare.

Arinta qancinta macaamisha waxay keentay in shirkadda Redsea kasbato macaamiisha inay marwalba kusoo noqdaan oo ay ka adeegtaan, waxaa ka mid ah waxyaalaha shirkadda Resea ay caanka ku tahay, hadii macmiilka alaabta ku qanci waayo ina aan su’aalo badan la weydiin oo loo bedo alaabtii ama laga celiyo taas oo muujinaysa sida shirkaddu ay u tixgelinayso macaamiisheeda una qadarinayso.

Waxaa astaan u ah shirkadd Redsea ee Soomaaliyeed qancinta iyo wanaajinta macaamiisheeda meel kasta oo ay ay joogaanba dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Wareyso macaamiisheena kale si aad u ogaato habak qancinta macaamiisha ee shirkadda Resea General Trading.

Xafiiska Shirkadda Redsea ee Boosaaso.