14th October 2015

Shirkada Redsea oo soo gaba gabeysay Dood cilmiyeed ku saabsan Ganacsiga (SAWIRO)

Aqoon korarsiagana ayaa ahaa mid ku saabsan Ganacsiga aan  shareecada ku Bananeen oo kor loogu qaadayay Aqoonta Ganacsatada,  waxaana barnaamijkan maal galinaayay Shirkada Red Sea oo ka dhisan magaala ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo Rugta Ganacsiga Puntland waxaanu ahaa mid soconayay mudo laba maalin ah.

Barnaamijkan Aqoon Korarsiga ahaa ayaa waxaa Bixinaayay Casharada lagu qaadanayay shiikh Maxamed macalin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed waxaa Barnaamijkan ka faa.idaysanayay dhamaan Ganacsatada Rer Puntland ee ku Sugan Magaalada Boossaaso

Gudoomiye ku Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland, oo furay Tababarkan maalinimadii sabtida ayaa sheegay in Barnaamijkan inta badan ay Maal galinayso shirkada Red Sea oo ka mid ah Shirkadaha Ugu Faca wayn soomaaliya ee keena Badeecooyinka kal duwan iyo dhsimayaasha qalabka loo isticmaalo nooc walba waxaana uu dhamaan Ganacsatadii hallkaas ku sugnayd ku Booriyay inay ka Faa idaystaan Barnaamijkan oo ah mid Anfacaayah Ganacsigooda.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay fadhiga Mamulaha guud ee Shirkada Red Sea Cabdirisaaq Siciid Faarax oo sheegay inay oga Golleeyihiin Barnaamijkan sidii ay u Baraarujin lahaayen walalohooda Ganacsatada ah iyo Iyag dhankooda isagoona Xusay in shiikh Maxamed maclin uu Aqoon u leeyahay Barnaamijkan ayna ka Faa,idaysan Doonan.

Intaas kadiba ayaa Barnaamijkan Aqoon korarsiga ah waxaa Bilaabay shiikh Maxamed macalin oo ah aqoon Yahan soomaaliyeed kana mid ah Culimada Dalka isagoona in Badan u Iftiimiyay dhamaan intii Barnaamijkaa ka soo qayb Gashay .

Intii uu socday Barnaamijkan ayaa Su,aalo la waydiinaayay shiikha isagoona dhamana ugu jaawabay su.aalaha ay waydiiyen ee ku aadanaa Ribada iyo waxuii la hal maalah iyo sidii ay kaga fogaan lahaayeen

Maantay oo ahayd maalin Axad ah Bishuna Tahay 22 ayaa Munaasabada lagu soo Xiraayay Barnaamijkan aqoon Korarsiga ah ayaa waxaa ka hadlay mamulah shirkada Red Sea Cabdirisaaq Siciid Faarax oo sheegay in Labadii Maalin ee uu Barnaamijkan Socady ay ka Faa.ideen wax badan oo aysan horay u aqoon taasna ay tahay Sababtii ay shirkadu iskugu taagtay inay Barnaamijkan  hir galiso waxaana uu sheegay in Barnaamijyadan ay yihiin kuwo loo bahaan yahay in lagag daydo.

Gagabadii Munaasabadan ayaa waxaa soo xiray oo halkaas ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshada Puntland Maxamed Caydiid oo sheegay in intii uu Barnamaijkan socday ay wax badan ka faa,idaysteen Ganacsata iyo cid walba oo Arimahan ay khuseeyaan isagoo si aan la soo koobi karin u aaman Shirkad Barnaamijkan doorka wayn ka qaadatay ee Red Sea isla markaan keentay Qalab soolar ah oo casriga la jaan qaadayah  oo uu ku aamany inayka shaqaynayso horamarka dalka

Aqoon Korarsigan ayaa socoonayay 21 iyo 22 Bishan iyadooan intuu uu socday ay ganacsatadu ay sheegeen inay wax badan ka faa.idaysteen taasnah ay uga mahad Celinayaan Rabbi oo sahlay iyo shirkad Red Sea

vlcsnap-2013-12-22-17h48m46s40 vlcsnap-2013-12-22-17h49m02s223 vlcsnap-2013-12-22-17h49m23s174 vlcsnap-2013-12-22-17h49m32s3 vlcsnap-2013-12-22-17h49m43s108 vlcsnap-2013-12-22-17h56m10s143